Salah & Mane Oo Liverpool Ku Hogaamiyay Guul Soo Laabasho Leh +SAWIRRO

2013

Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Bournemouth iyaga oo ku soo laabtay wadada guulaha horyaalka premier League kulan ka dhacay garoonka Anfield.

Reds ayaa ku bilaabatay si cajiib ah iyaga oo weeraro wakhti hore ah ku sameeyay fursado ay goolal ka dhalin karaan laakiin Bournemouth ayaa si fiican u difaacatay.

Liverpool ayaa dhanka maamulka ciyaartay gaadhsiisay 76% iyaga oo Bournemouth u diiday in ay qaadaan weeraro rogaal celis ah oo halis galiya kooxdiisa.

Bournemouth ayaa daqiiqadii 9-aad Liverpool kaga naxsatay gool kadib markii uu xiddiga Callum Wilson Bournemouth u dhaliyay goolka 1-aad ee hogaanka ay u qabteen ciyaarta.

Liverpool ayaan khal-khalin waxana ay iska ciyaarayeen kubad baas ah oo ay doonayeen in ay ku jabiyaan daafaca adag ee ay Bournemouth hor dhigtay goolkeeda.

Reds ayaa daqiiqadii 25-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu Mohamed Salah u dhaliyay kadib markii uu Sadio Mane kubad ka dafay xiddig Bournemouth ah isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Reds ayaan halkaas ku joogsan laakiin sii waday weerarada waalid ah ee ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal kale oo ay ciyaarta hogaanka ugu wareegaan.

Daqiiqadii 33-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu U Dhaliyay Sadio Mane kaas oo baas qurux badan ka helay Virgil Van Dijk kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool hogaaminayso ciyaarta dibna u heshay qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay wayday kulamadii ugu dambeeyay.

Qaybtii dambe ayay Liverpool ahayd mid maamulaysa ciyaarta iyaga oo 82% gaadhsiiyay kubad haysashada sidoo kale sameeyay fursado goolal laga dhalin karo.

Xitaa Reds ayaa birta ku dhuftay kubad noqon lahayd gool qurux badan oo uu laaga xiddia Sadio Mane kaas oo kubadiisu ku dhacday birta sare.

Dhanka Kale Bournemouth ayaa dhalin gaadhay gool kadib markii uu xiddiga Ryan Fraser si qurux badan kubada uga dula qaaday Goolhayaha Liverpool laakiin James Milner ayaa sameeyay badbaadin wareer ah isaga oo kooxdiisa ku siiyay hogaanka ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool sidaas ugu soo laabatay wadada guulaha horyaalka Premier League.