Saraakiisha Ciidamada oo kahadlay dagaalkii ka dhacay Marka +COD

1607

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlada Iyo kuwa Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabelaha Hoose sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobolka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al Shabaab ka Soo weerareen magaalada hal jaho oo u dhow goobta ay ciidamada dowlada fariisinkoodu ka dhowyahay oo ku taala Xaafada Ruusisa.

Dagaal socday ku dhawaad hal saac ayaa ka dhacay, magaalada waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sidda ay sheegeen qaar ka mid ah dadka ku sugan Magaalada Marka.

Maxamed Cismaan Yariisow Guddoomiyihii hore ee Magaalada Marka , hadana ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan Marko ayaa sheegay in hadda Magaalada ay ka socdaan howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka, waxaana saraakiisha Ciidamada ay ku guuleysteen in ay dib u riixaan dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.