SAWIRO:-Qaxooti somaliyed oo talyaaniga iska dhiibtay

1642

In ka badan 150 Ruux oo ay Soomaali ku jiraan ayaa Magangalyo waxa ay ka heleen dowladda Talyaaniga,iyaga oo laga keenay dalka Libya oo dagaalo ay ka socdaan halkaas oo ay mudo ku noolaayeen.

Muhaajiriintaas ayaa waxaa ay u kala dhasheen dalalka, Soomaaliya, Eritrea, Itoobiya iyo Suudaan,waxaana dalkaasi kazoo qaaday hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Badankood dadkaasi waxaa la sheegay inay u baahan yihiin nafaqo,waxaana ku jira dadkaasi 65 Carruur ah.

Jean-Paul Cavalieri oo ka tirsan hay’adda UNHCR oo ku sugan Liibiya ayaa sheegay loo baahan yahay in la sameeyo daad gurayn banii’aadminimo oo dheeri ah”.

Dad badan oo doonayay in ay Yurub aadaan ayaa ku xayirma Liibiya qaarkoodna waxaa lagu xiraa xarumo dadka lagu hayo oo xaaladdoodu aad u liidato,waxaana xaalada sii xumeeyay dagaalada ka socda dalka Libya.