SAWIRO:-Xildhibaan Firimbi iyo Xildhibaan Dhuxuloow oo gaaray Dhuusamareeb

2367

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa kamid ah,Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Xildhibaan Xasan Yare & Yuusuf Dhagey iyo Dhagdheer oo ka tirsan Xildhibaannada Aqalka Sare,waxaana ay ka qeyb-geli doonaan Shirka Madaxda Dowlad goboleedyada oo ka furmaya Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogagaminayay ayaa Dhuusamareeb uga sii horeeyay Xildhibaanadaan,waxaana sidoo kale la filayaa in uu goordhow gaaro Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.