Sawirro:-Rabshado xoogan oo ka bilaawday Jigjiga

1893

Wararka naga soo gaaraya Magalada jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow halkaasi ka bilaawdeen rabshado,sidoo kalena la maqlayo rasaas xoogan.

Qaar ka mid ah dadka kasoo jeeda Qowmiyada Amxaarada ayaa la sheegay in wadooyinka qaar ee Magalada jigjiga ay xireen,isla markaana Goobaha Ganacsiga iyo Gaadiidka intaba ay istaageen.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in sababta keentay rabshadaha iyo rasaasta laga maqlayo Magalada Jigjiga ay ka dambeysay in Dadka Amxaarada ay ka caroodeen Gawaari ay lahaayeen iyo Goobaha ay ku cibaadeystaan oo waxyeelo loo geystay.