Shan ruux oo safiirnimo loo dallacsiiyay

1608

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankooda Khamiislaha ee maanta ku ansixiyay magacaabida Illaa Shan Safiir oo cusub.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Goluhu waxaa uu u dalacsiiyay darajada Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy oo horay Wasiir uga soo noqday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Saacid.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa Xil safiir u magacaabay Xasan Xundubey Jimcaale oo ahaa Wariye rug cadaa iyo falan-qeeye siyaasadeed, horayna uga soo shaqeeyay BBC-da.

Waxaa kaloo Golaha Wasiirada ay Safiir u magacaabeen Xasan Daahir Dhimbil oo ka tirsanaa Xisbiga Kulmiye ee Somaliland, kana mid ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo dhowaan Muqdisho yimid.

Golaha Wasiirada ayaa waxaa kaloo safiir u magacaabeen Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire oo la dhashay Xildhibaan C/shakuur Mire oo ka mid ah ragga aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Xubnahan loo dalacsiiyay Safiir ayaa waxay ku soo bixi doonaan digreeto Madaxweyne Safaaradaha loo magacaabi doono, iyadoo wasaaradda Arrimaha Dibadda ay diyaarin doonto warqadaha magacaabidooda iyo dalalka loo dirayo.