Shariif Sheikh Axmed oo kahadlay isku dayga afgambi ee Farmaajo

1113

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda Cakiran ee haatan dalku marayo, waxaana uu sheegay in Go’aanadii uu qaatey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo ay halis ku yihiin jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka.

Shariif ayaa intaa ku daraya in kaliya dhammaystirka doorashada loo igmaday hogaaminteeda  RW Mohamed Hussein Rooble.

Sidoo kale Musharrax madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa Bulshada Soomaaliyeedugu baaqay  inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye.

 

 Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Shariif Sheikh Axmed

Go’aanadii uu qaatey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo waxay halis ku yihiin jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka.

Dalkaan xalkiisu wuxuu ku jiraa oo kaliya dhammaystirka doorashadii lagu heshiiyay, lana saxo wixii ka khaldan, taasoo loo igmaday hogaaminteeda  RW Mohamed Hussein Rooble.

Talaabooyinka khaldan ee hareermarsan sharciga oo horseedi karo qalqal siyaasadeed, cidna looguma dulqaadan karo, waxaana ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu dib uga joogsado faragelinta arrimaha Doorashada.

Bulshada Soomaaliyeed waa inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye. Waxaana ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in aynu meel ugasoo wada jeesanno badbaadada Dalka iyo Dowladnimada.