Sheekh Aadan Madoobe iyo Xasan Cabdinuur oo isugu sooharay wareegi ugu dambeeyay

806

Waxaa hadda la guda galay wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, iyadoo lagu kala bixi waayey wareegii koowaad.

Labo musharax ayaa u gudubtay wareegga labaad ee doorashada, kuwaas oo kala ah, Xasan Cabdinuur oo wareegii koowaad helay 98-cod iyo Sheekh Aadan Madoobe oo isna wareegii koowaad helay 74-cod.

Cabdulaahi Black oo wareegii koowaad helay 33-cod iyo Aadan Saransoor oo isna wareegii koowaad helay 24-cod, isla markaana fursad u heystay inay u gudbaan wareegga labaad ayaa u tanaasulay Sheekh Aadan Madoobe.