Sheekh Muuse Cadde oo geeriyooday

94

Sheekh Muuse Nuur oo loo yaqiinay Sheekh Muuse Cadde oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa Xalay ku geeriyooday wadanka Netherlands, sida uu Warbaahinta xaqiijiyey wiilkiisa Anwar Sheekh Muuse Cadde.

Allah u naxariiste Sheekh Muuse Cadde ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu xanuunsana, islamarkaana uu soo maray qaliin lagu guuleystay, hayeshee Xalay ayuu ugu dambeyn u geeriyooday Sheekha xanuunkii soo ritay.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Sheekh Muuse Nuur oo uu tilmaamay madaxweyna inuu door weyn ku laha Sheekha wax barista, wacdiga, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Sheekh Muuse Cadde inuu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uuka baxay.

Allah u naxariiste Sheekh Muuse Cadde ayaa ka mid ahaa culimada dariiqada Suufiyada, wuxuuna ahaa caalim ku suntan u qidmeynta Diinta Islaamka, isagoona ka mid ahaa mashaa’ikhda aad loo jecelyahay aqoontooda.

Marxuumka ayaa la tilmaamay in xiligii dowladdii dhexe uu kitaabo ka akhrin jirey masaajiddu ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuq bacaad, waxaana burburkii ka dib sanadkii 1994 uu guddoomiye ka noqday maxkamaddii Islaamiga ahayd ee uu Muqdisho ka aas aasay Sheekh Cali dheere.

Ugu dambeyntii Sheekh Muuse Cadde ayaa ka mid ahaa culimadii Fatwootay in kooxda Al-shabaab loogu yeero magaca ‘Khawaarij’ maadaama ay buuxiyeen kooxdu shuruudaha magacaas xun, sida ay horay u cadeyeen culimada ugu waa weyn Soomaaliya oo uu ku jiray Marxuum Sheekh Muuse Cadde oo Xalay geeriyooday.