Sheekh Shaakir oo markale diiday jadwalka guddiga doorashada.

7

Ururka Siyaasadeedka Towfiiq, oo uu hoggaamiyo Sheekh Shaakir Cali Xasan, ayaa si adag uga horyimid jadwalka doorashada ku-celiska ah ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Galmudug, kaasoo ay xalay shaaciyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.

Towfiiq ayaa sheegay in jadwalka cusub uusan waafaqsanayn Xeerka Doorashooyinka Qaranka, gaar ahaan qodobada la xiriira muddada loo baahan yahay in lagu qabto doorashada, diiwaangelinta iyo soo gudbinta liisaska musharraxiinta, iyo waqtiga loogu talagalay ololaha doorashada.

Ururku wuxuu sheegay in guddigu doorashada ku soo koobay muddo u dhexeysa 10-ka illaa 30-ka Sebtembar, taas oo sida uu sheegay aan siinayn xisbiyada iyo musharraxiinta waqti ku filan oo ay ku dhammaystiraan habraacyada sharciga ah ee doorashada.

Towfiiq ayaa sidoo kale ku dooday in muddooyinka loo asteeyay soo gudbinta musharraxiinta iyo ololaha doorashada ay yihiin kuwo aan la jaanqaadi karin xeerarka doorashada, isagoo ka digay in haddii doorashada lagu qabto habraac aan waafaqsanayn sharciga, ay dhalan karaan muran siyaasadeed iyo mid sharci.

Ururka ayaa Guddiga Doorashooyinka ugu baaqay inuu dib u eego jadwalka uu soo saaray, isla markaana uu waafajiyo muddooyinka iyo habraacyada ku xusan Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

Towfiiq wuxuu sidoo kale sheegay in muhiim ay tahay in doorashada lagu qabto hannaan hufan, xor iyo caddaalad ah, iyadoo dhammaan xisbiyada iyo musharraxiinta la siinayo fursad iyo waqti siman oo ay ugu diyaar garoobaan tartanka.

Khilaafka ka dhashay jadwalka ayaa kusoo aadaya xilli Galmudug ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo doorashada ku-celiska ah ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ay tahay tallaabo muhiim u ah sii socodka geeddi-socodka doorashooyinka ee maamulka.

Towfiiq ayaa ugu dambeyn ku adkeystay in sharciga iyo habraacyada doorashada la dhowro, si natiijada doorashadu u yeelato sharciyad buuxda, loogana fogaado muran ka dhasha qaabka iyo waqtiga loo qabtay.