Wasiir Fiqi”Deni Burcadda ayuu taageeraa,Caalamka waxaan leenahay lacag ha bixinina”.

16

 

Wasiir Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa mar uu ka hadlayay arinta burcad badeeda wuxuu si weyn ugu eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland inuu ku dhaqaaqay talaabo dhiiri gelin u ah burcad badeeda.

“Saciid Dani oo Puntland haysta waxaa ceyb ku ah in Ciidanka Xoogga Soomaal ee soo furtay Markab afduub lagu heystay uu ku tilmaamo inay lacago qaateen” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Wasiirka wuxuu intaasi ku daray in ereyada Dani ay fariin u direyso burcad badeeda taasoo ah inay maraakiibta ka qaataan lacag madax furasho ah.