SHEEKO CUSUB: John Terry Sabab U Ahaa In Ayna Chelsea La Saxiixan Sergio Aguero & Xiddig Uu Badalkiisa Kula Taliyay In Uu U Dhaqaaqdo Oo La Ogaaday

1830

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ka shaqaynaysay saxiixa weeraryahanka Sergio Aguero ka hor intii uuna ku biirin kooxda Man City laakiin Kabtan John Terry ayaa ka hor istaagay kooxdiisa in ay u dhaqaaqdo saxiixa.

Xiddiga reer Argentine ayaa Man City ku soo biiray 2011 waxana uu haatan ka mid yahay xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda premier League isaga oo dhaliyay 173 gool kaliyana 2 gool ka dambeeya halyeeyga Arsenal ee Thierry Henry sidoo kale 4 gool oo kaliya ka dambeeya Halyeeyga chelsea ee Frank Lampard.

Aguero ayaa City kula guulaystay 4 premier League, FA Cup laakiin waxa uu ku dhawaaday in uu ku biiro Stamford Bridge.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay chelsea dalabkeedii ugu horeeyay ka gaysay Aguero 2 sano ka hor intii uuna ku soo biirin Man City iyada oo markii hore uga laabatay saxiixa sabab la xidhiidha dalabka mushaharka xiddiga.

Wadahalada ayaa dib u furmay xilli uu Carlo Ancelotti hogaaminayay kooxda laakiin Kabtan Terry iyo dhaw xiddig oo kale oo saamayn ku lahaa qolka Labiska chelsea ayaa ka soo hor jeestay heshiiska.

Terry ayaa lagu soo waramayaa in uuna taageere u ahayn xiddiga reer Argentine kaas oo uu kaga hor tagay wakhtigaas 2 jeer Tartanka champions League.

Daafaca dhexe ayaa la sheegayaa in uuna la dhacsanayn dhaq-dhaqaaqa iyo baaska xiddiga waxana uu maamulka kooxdiisa kula taliyay in ayna u dhaqaaqins saxiixiisa.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Terry Maamulkiisa kula taliyay in ay u dhaqaaqaana saxixia xiddiga David Villa kaas oo wakhtigaas joogay Valencia