Sheffield United Oo Ka Yaabsatay United +SAWIRRO

1413

Sheffield United ayaa guul la yaab leh ka gaartay United ka dib ciyaar ay maamulayeen wiilasha Ole Gunner waxa ayna ku badiyeen 2/1

Sheekada qeybta hore : United iyo Sheffield United ayaa nasiinada ku aaday hal gool oo lagu lahaa kooxda Ole Gunner , waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 20-aad ee horyaalka Ingiriiska .

United iyaga ayaa ku sareeyay maamulka kubadda balse waxaa lagu dilayay kubadahah rogaal celiska ah .

Heerka kubad haysashada United ee qeybtaas hore mararka qaar waxa ay gaareysay %78-aad balse United waxa ay wajahayeen daafac oo Sheffield United shaqo kale ma aysan qabaneyn .

Sheffield United waxa ay United ku halis giliyeen dhowr kubad xilli De Gea bad baadiyay inkastoo Offside uu ka horeeyay .

United kaliya gool ayaa ka maqnaa balse taassi badalkeeda iyaga ayaa laga dhaliyay daqiiqadii 23-aad ka dib kubad koorno ka timid waxaana qaladka loo saarayaa De Gea oo ka soo baxay goosha , waxaana United daqiiqaddii 29-aad laga diiday gool sababa la xariira Offside

United si waliba ayay isku dayo u sameeyeen balse qeybtaas ma aheyn toodii oo daafac ayaa foojignaa waxaana lagu nastay halkaas gool .

Biloowgii qeybta hore , United si wacan ayay ku soo galeen balse xalka ayaa ka maqnaa xilli Sheffield United ciyaarayeen kubad geesinimo leh waliba mararka qaar aagga goosha United ayay tagayeen .

United oo cadaadis weyn sameyneysay ayaa aheyd mid laga filan karay gool xilli dhan waliba ay ka raadinayeen ilaa uu dhaliyay Harry Maguire Alex Telles ka dib kuabd koorno uu soo qaaday Telles ,waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqadii 64-aad , ka dib United badalkooda ugu horeeyay ayay ku soo giliyeen Cavani waxaana daqiiqaidi 66-aad loo saaray Greenweood.

Heerka kubad hayshada United waxa ay gaareysay %74 balse waa adkeyd in si sax ah shabaqa kooxda martid au tagaan illaa lagu keenay gool labaad waxaana laga dhaliyay daqiiqadii 74-aad xilli uu ka muuqday qalad dhanka daafaca ah

Ka dib goolkaas , United waa maamuleen kubadda balse xalka ayaa ka maqnaa waxa uuna Ole Gunner daqiiqadii 84-aad soo gilyay Shaw iyo De Beek oo loo saaray Telles iyo Tuanzabe

Si waliba United u ciqaabeen kooxda martida waliba ugu dhaaweayeen goolka bar bar dhaca hadana daafac ayaa laga xertay illaa looga dhameeyay 2/1