Sidee Ayuu Jose Mourinho Sabab Ugu Noqon Karaa In Ay Arsenal Shaqada Ka Caydhiso Unai Emery?

1668

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Tony Adams ayaa sheegay in go’aankii ay Tottenham shaqada uga caydhisay Mauricio Pochettino uguna badashay Jose Mourinho in ay maamulka Arsenal ku qasbi karto in ay shaqada ka caydhiyaan Tababare Unai Emery.

Tababaraha reer Spain ayaa maamulka Arsenal ka helay codka kalsoonida ka hor fasaxii xulalka kadib guuldaradii 2/0 ahayd ee ay kala kulmeen Leicester City laakiin waxa ay kooxdu mar kale ku dhibaatootay qaab ciyaareedka kulankii Southampton.

Alexandre Lacazette ayaa Gunners ka badbaadiyay guuldaro kadib markii ay bar-baro 2/2 ah la galeen kooxda Southampton xilli ay Taageerayaasha Gunners weerar ku qaadeen tababaraha kadib ciyaarta.

Dhanka kale Kooxda ay Arsenal xafiiltamaan ee Tottenham ayaa gaadhay guusheedii ugu horaysay ee martida ee premier League kadib markii ay shaqada u dhiibeen jose Mourinho Halyeeyga Adams ayaana rumaysan in go’aankii ay Arenal shaqada ugu dhiibtay Jose Mourinho in uu maamulka Arsenal cadaadis ku saari doono maamulka Arsenal in ay shaqada ka caydhiso Emery.

“Waxa ka dhacay kooxda kale ee reer London ee Tottenham ayaa cadaadis weyn saaraya maamulka kooxda, waan in ay qaadaan talaabo weyn”ayuu sii raaciyay.