Southamton Oo Garaacday Chelsea +SAWIRRO

284

Kooxda chelsea ayaa la kulantay guuldaradii 2-aad ee horyaalka premier League kadib markii ay guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Southampton.

Chelsea ayaa kulanka ku bilaabatay si fiican iyaga oo maamulayay kubada isla markaas Southampton ku qaadayay weeraro ay goolal ku raadinayaan.

Southampton ayaa dhankeeda ku jirtay difaac isla markaas ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah ku qaadaysay kooxda chelsea.

Chelsea ayaa daqiiqadii 23-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Raheem Sterling kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay chelsea ayaa difaac gashay iyaga oo isku dayay in ay goolka ay dhaliyeen ilaashadaan.

Laakiin go’aankaas ayaa ahaa mid khalad ah maadama ay Southampton siisay rajo ah in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Kooxda Southampton ayaa daqiiqadii 28-aad dhalisay goolka bar-baraha waxnaa u dhaliyay xiddiga Romeo Lavia kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro kana dhigay 1/1.

Southampton oo uu goolka dhiiri galiyay ayaa bilowday in ay weerarto Chelsea xilli ay Blues ku dhibaatootay in ay u babac dhigto weerarka kooxda Southampton.

Kooxda chelsea ayaa ku dhibaatootay in ay samayso fursado dhinaca weerarka xilli ay Southampton si fiican u difaacatay goolkeeda.

Daqiiqadii 45+1-aad ayay Southampton dhalisay goolka 2-aad ee ciyaart

waxana u dhaliyay xiddiga Adam Armstrong kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Southampton ahayd kooxda fiican dhinaca natiijada iyo qaab ciyaareedkaba.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid ay Southampton difaac ku jirto chelsea-na weerar ku jirto laakiin weerarka Blues ayaa ku dhibaatooday in ay dhaafaan daafaca Southampton.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Southampton kooxda chelsea dusha u saartay guuldaradii 2-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.