Taliska PSF ayaa u digay diyaaradaha Daallo Arline iyo Itoobiya Arlines

89

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in haatan ay kasii dareyso xiisadda u dhexeysa ciidamada PSF iyo maamulka Puntland ee ka taagan garoonka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi oo ay isku qabteen labada dhinac.

PSF ayaa mar kale xalay soo saartay digniin culus, waxayna sii adkeystay digniintii hore ee ahayd in laga fogaado aagga garoonka Boosaaso, sidoo kalena aysan kasoo dagi karin diyaaradaha duulimaadka.

Qoraalka taliska oo xalay la shaaciyay ayaa waxaa lagu sheegay in aanu weli xal rasmi ah laga gaarin arrinta garoonka, ayna u digayaan shacabka iyo shirkadaha duulimaadyada.

Taliska PSF ayaa si gaar ah ugu digay diyaaradaha Daallo Arline iyo Itoobiya Arlines, wuxuuna sheegay shirkaddii u hoggaansami wayso amarkooda in ay iyadu qaadi doonto mas’uuliyadda wixii halkaasi ka dhaco.

Khilaafka ugu wayn ayaa ka dhashay isticmaalka garoonka oo ay PSF sheegtay in loo diiday ciidamadeeda iyo xittaa in laga dhoofiyo askar ka dhaawacantay, waxayna Puntland ku eedeysay inay garoonka u beddashay xero ciidan.

Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah waxaan uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidamada PSF.

Puntland ayaa iyana maalin kahor jawaab ka bixisay digniinta ciidanka PSF, waxayna hoosta ka xariiqday in wax xaalad ah aysan ka jirin Boosaaso, isla markaana ay tahay nabadgelyo.

Waxaan rabnaa in shacabka magaalada in ay ogaadaan in aysan jirin nabad galyo xumo, waxaan uga digeynaa dadka nabad galyo darrada abuuraya in ay ka fogaadaan” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Bari.

Arrintan ayaa durbo dhalisay xiisad xoogan oo laga dareemay Boosaaso oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada PSF-ta iyo kuwa kale oo taabacsan madaxtooyada maamulkaas.