Taliyaha booliiska Puntland oo xilka lagaqaaday

1530

Madaxweynaha Puntland ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii ciidanka Booliska Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse, kaddib digreeto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha.

Sidoo kale Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka taliyaha ciidanka booliiska Puntland loogu magacaabay in uu noqdo S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen.

Madaxweyne Deni wareegto kale uu soo saaray ayaa xilka taliye kuxigeenka koobaad ee ciidanka booliiska Puntland looga qaaday S/Guuto Bile Faarax Cali halka taliye kuxigeenka 3-aad ee booliiska G/Sare Axmed Maxamuud Cali isna xilka laga qaaday.

Halkan ka akhriso Wareegtada taliyaha booliiska Puntland lagu magacaabay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Halkan sidoo kale ka akhriso Wareegtada xilka looga qaaday labada taliye kuxigeen

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 27da April, 2020, ku soosaaray Xil-ka-qaadis uu ku sameeyay Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

2. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.