Taliyihii hore ee Daraawiishta Puntland oo geeriyooday

1472


Allaha u naxariistee waxaa ku geeriyooday dalka Itoobiya, gaar ahaana magaalada Addis Ababa taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusmaan Axmed (Cali Baadiye) oo maalmihii u dambeeyey ku xanuunsanaa dalkaas.

Marxuumka ayaa bilihii u dambeeyey ku xanuunsanayay dalka Itoobiya oo loo geeyey Caafimad aha, sida ay sheegeen Eheladiisa, waxaana geeridiisa ay noqotay mid taabatay dhammaan dadka Puntland.

Sareeye Guuto Cabdirisaaq ayaa kamid ahaa madaxdii sare ee ciidamada Xooga dalka Soomaliyeed, intii aysan burburin dawladdii Kacanka ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre, waxaana uu qeyb ka ahaa howlgalo muhiim.

Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) aya u magacaabay Sareeye guuto Cabdirisaq Sheekh Cismaan in uu noqdo taliyaha ciidamada Daraawiishta mudo xileedkiisii, waxaana uu kala wareegay Jeneral Cabdullaahi Cali Mire Careys oo isna dhawan geeriyooday.