Taliyihii ugu horeeyay ee Sirdoonka Siyaad Bare oo geeriyooday

37

Waxaa Xalay magaalada Brussels ee dalka Belgium ka ku geeriyooday Allaha u naxariistee Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle), sida ay xaqiijiyeen Qoyska Marxuumka. 

  

Marxuum Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) ayaa soo noqday Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha , iyo xubin ka tirsan Guddiga Sare ee Siyaasadda ee Dowladdii Milateriga, waxaana soddog u ahaa Madaxweynihii Dowladda Milateriga Marxuum S/Gaas Maxamed Siyaad Barre. 

  

  

Dafle ayaa ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya sanadkii 1937kii, waxaana 1971 kii loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka (NSS) xilkaasi oo uu muddo dhowr sanno ah hayey. 

  

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka tacsiyadeeyay Geerida ku timid Allaah u naxariistee Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Marxuum Axmed Saleebaan Dafle, waxaana uu ku sifeeyay inuu ahaa mar siyaasigii ugu saamaynta badnaa Qaarada Afrika, isagoo sabab u noqday xornimada tiro ka 10 dal oo Afrikaan ah kuwaasi oo gumeystaha iska dul qaaday. 

  

“Awoodda Sirdoonka Soomaaliya wuxuu gaaray inay ka war qabaan nolosha guriga Mingistu Xayla Maryam. Guulihii furimaha dagaalkii 1977 waxaa saldhig u ahaa in sirdoonku heli jiray xogta Cidanka Itoobiya, Maskaxdii iyo farshaxankii uu ku dhisay sidoonka qaranka iyadii bay wali ku socotaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad. 

  

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Markii uu noqday Taliyaha Sirdoonka NISA, ee uu arkay taariikhda uu marxuum Dafle ka tagay, uu ugu magac daray Masjidka weyn ee Xarunta Hay’adda NISA ka dhisan.