Taliyihii xalay is-casilay oo Muqdisho laga soo dejiyey+Video

1705

Waxaa galabta magaalada Dhuusamareeb diyaarad looga soo qaaday Taliyihii xalay is-casilay ee ciidanka booliska magaalada Dhuusamareeb Dhamme Burhaan Axmed Rooble.

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa sarkaalkaas uga yeeray Muqdisho si wax looga waydiiyo eedeymihii uu xalay u jeedoyey saraakiisha ka sareysa oo ahaa kuwo culus.

Taliye Burhaan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay in iyadoo loo gacan dhaafayo ay saraakiil ka sareysa saldhiga Dhuusamareeb kasii daayeen dad lagu tuhunsanaa Shabaabnimo oo ay baaritaano ku socdeen.

Sargaalkan waxaa galabta garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb kasoo sagootiyay saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliye Burhaan ayaa xalay Dhuusamareeb ka sheegay, “Waxaa xabsiga Dhuusamareeb laga daayay laba qofood oo yimid magaalada lagana shakiyay, sidaasina lagu xiray, kuwaas oo markii aan ku sameynay baaritaano hor dhac ah ay noo soo baxday inay yihiin shabakad weyn oo isku xiran, balse iyadoo baaritaano ku socdaan ayaa xabsiga laga sii daayay, waana la ii gacan dhaafay, mar kale ayaa qabanay nin dhalinyaro ah oo aan tuhmeyno in uu ka tirsanyahay Al-Shabaab, balse xilli ay baaritaanadiisu ay meel fiican marayeen, aniga oo maqan ayaa xabsiga laga sii daayey oo loo fakiyey dhanka Cadaado”.

Taliye Burhaan oo ka mid ahaa saraakiishii Ahlu-Sunna ee dowladda ku biiray ayaa arintaas faro gelinta ah ku tilmaamay mida keentay in uu xilkaan iska casilo, isagoo sheegay in uusan dooneyn in shacabka reer Dhuusamareeb uu u hoosaasiyo khatar lala damacsan yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska Galmudug G/Sare Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa maanta warbaahinta u sheegay in wixii taliyahaasi ku hadlay aysan waxaba ka jirin, isla markaana sarkaalkaas laga dhex hadlayey, sida uu yiri.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu kasoo saaray is-casilaada taliyahaas waxa uu ku yiri, “Lama arag askari ama sarkaal maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah, askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida.”

“Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor waa In la soo baraa shuruucda ciidanka. Sharcigana looma qaloocin karo dhanka waxa aad aaminsanayd inta aadan askari noqon oo ah dadka kaa aragtida duwan oo dhan in aad ku dhejiso shaabad seeko ah oo alshabaabnimo,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyey wasiir Fiqi.