Tanzania & Kenya oo xiriirkoodu aad u xumaaday

1607

Khilaafkan ayaa waxaa u salka ku hayaa arimo la xiriira dhinaca duulimaadka, waxaana hay’adda duulista rayidka ah ee wadanka Tanzania (TCAA) ay dalkeeda uga mamnuucday duulimaadyada diyaaradaha Kenya Airways.

Qoraal kasoo baxay hay’adda duulista rayidka ah ee waddanka Tanzania ayaa lagu sheegay iyada oo la eegayo heshiiskii hore ay u wada galeen labada dowladood ee ahaa is dhaafisaga duulimaadyada in la joojiyey duulimaadyadii tooska ahaa ee diyaarada Kenya Airways ee ahaa Nairobi/Dara Salam/Kilimanjaro/Zanzibar.

Duulimaadyada diyaaradda Kenya Airways laga joojiyey ayaa waxaa ay bilaaban lahaayeen 1-da, bisha August ee sanadkan, waxaana war kasoo baxay dowladda Kenya lagu sheegay in ilaa iyo amar dambe ay joojiyeen sida uu sheegay agaasimaha hay’adda duulista rayidka ah ee dalka Tanzania Hamza S.Johari.

Talaabada ay dowladda Tanzania qaaday ayaa waxaa uu daba socdaa, kadib markii dhowaan dowladda Kenya ay sheegtay in duulimaadyada caalamiga ah la fasaxay isla markaana kaliya looga imaan karo dalalka Uganda, Rwanda, Namibia, Switzerland, Morocco, dalka Maraykanka gaar ahaa gobolada California, Florida, iyo Texas taas oo ay Tanzania ka carootay.

HALKAN KA AQRISO SHEEKADAN