Tartanka Gool Dhalinta Premier league Oo Meel Xiiso & Xamaasad Leh Maraya, Ayaa Hogaaminaya?

1674

Tartanka Gool dhalinta premier League xilli ciyaareedkan ayaa ah mid xasaasi ah kaas oo ay xiddigo badan isku baacsanayaan kabta dahabka ah ee gool dhalinta horyaalka.

Xiddiga kooxda Leicester City ee Jamie Vardy ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 12 gool kadib makrii uu gool ka dhaliyay kooxda Brighton & Hove Albion.

Xiddigaha Tammy Abraham & Sergio Aguero oo ah xiddigaha ugu dhaw ayaan wax gool ah dhalin horyaalka todobaadkan laakiin waxa ku soo dhawaaday xiddiga Liverpool ee Sadio Mane oo dhaliyay goolkiisii 8-aad iyo Marcus Rashford oo dhaliyay goolkiisii 7-aad.

Rashford ayaa la goolal ah xiddigaha Sterling iyo Kane kuwaas oo leh min 7 gool halka uu Sadio Mane la goolla yahay xiddiga Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo sida loo kala sareeyo gool dhalinta premier League ilaa haatan:

  1. Jamie Vardy (Leicester) 12 gool Gool
  2. Tammy Abraham (Chelsea) – 10
  3. Sergio Aguero (Manchester City) – 9
  4. Sadio Mane (Liverpool) – 8
  5. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) – 8
  6. Marcus Rashford (Man United) – 7
  7. Raheem Sterling (Manchester City) – 7
  8. Harry Kane (Tottenham Hotspur) – 7
  9. Mohamed Salah (Liverpool) – 6
  10. Teemu Pukki (Norwich City) – 6
  11. Raúl Jiménez (Wolves) 6
  12. Danny Ings (Southampton) 6
  13. Chris Wood (Burnley) 6
  14. Ashley Barnes (Burnley) 6
  15. Christian Pulisic (Chelsea) 5
  16. Bernardo Silva (Man City) 5
  17. Callum Wilson (Bournemouth) 5