Theo Hernandez Oo Soo Gaaray Milan

1724

Daafaca Bidix ee kooxda Real Madrid ee Theo Hernandez ayaa soo gaadhay Magaalada Milan si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Ac Milan kadibna dhamaystiro ku biiristis 20 Milyan ah ee uu ugu biirayo Rossoneri.

Theo ayaa soo gaadhay Madaarka Linate airport isaga oo la socda wakiilkiisa Manuel Garcia Quilon kaas oo saxaafada u sheegay” wax walba way fiican yihiin”.

Xiddiga reer France ayaa maalinta bari ah tijaabada caafimaadka u mari doona Milan ka hor inta uuna qalinka ku duugin heshiis 5 sano ah.

Madrid ayaa 24 milyan ka soo bixisay 21 jirka xagaagii 2017 isaga oo u saftay kaliya 23 kulan ka hor inta uuna amaah uga tagi kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Theo Hernandez ayaa noqon doona saxiixii ugu horeeyay ee ay kooxda Ac Milan samayso xagaagan isaga oo ugu biiri doona marka hore heshiis hal sano ah.