Turkiga oo Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya arin yaableh kusoodhameeyay

132

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay mar kale wada-hadallo uga billowdaan magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, halkaas oo ay maalmaha soo socda isugu tegi doonaan wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal.

Wada-hadallada oo si rasmi ah u furmi doono todobaadka soo socda ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay.

Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex dhexaadin ah.

Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta Itoobiya ka xaqiijinayso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Hakan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayad aoo todobaadkii hore wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga uu booqday magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo uu kula hadlay dhammeynta xiisadda taagan.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay haddii ay Itoobiya doonayso biyaha in ay usoo marto waddo sharci ah, iyadoo ixtiraameysa madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo haddii ay aqbasho Itoobiya caqabad ku noqon doonto Somaliland oo aqoonsi ka dhex raadineysay heshiiska badda.