UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Abid Ugu Fiican Taariikhda Champions League, Ayaa Ku Soo Baxay Shaxda?

1981

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saartay shaxdooda Abid ugu fiican tartanka champions League iyada oo uu ku soo baxay kaliya hal xiddig oo England ah.

Xidhiidhka UEFA ayaa soo xulatay xiddigo badan oo cajiib ah waxana shaxda ka soo doortay taageerayaasha kubada cagta tan ilaa sanadkii 2001 oo ay bilaabatay codayntu.

Xidhiidhka kubada cagta qaarada yurub UEFA ayaa maanta soo saartay Liiska xiddigaha u tartami doona shaxda ugu fiican sanadka 2019.

Sidoo kale UEFA ayaa soo saartay Liiska xiddigaha ugu fiican shaxda champions League Abid ee sanadka iyada oo uu ku soo baxay xiddiga Cristaino Ronaldo oo ah xiddiga ku guulaystay 5 jeer.

Sidoo kale kabtanka kooxda Real Madrid ee haatan Sergio Ramos iyo kabtankii hore ee Real Madrid ee Iker Casillas ayaa sidoo kale ku soo baxay shaxda.

Kooxda Barcelona ayaa dhanka kale ku leh xiddigaha uvu badan shaxda iyaga oo ku leh 5 xiddig oo kala ah Messi, Iniesta, Xavi, Puyol iyo Pique.

Dhanka kale kooxda Liverpool, Bayern Munich iyo Arsenal ayaa min hal xiddig ku leh shaxda kuwaas oo kala ah Phippe Lahm, Steven Gerrard Iyo Thiery Henry.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Shaxda Abid ugu fiican champions League ee ay UEFA Soo xulatay:

Image result for UEFA announce all-time Champions League XI - and Arsenal hero makes the cut