UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Is Reeb-Reebka Euro 2020, Miyuu Ronaldo Ku Jiraa?

1988

UEFA ayaa  soo saartay Shaxda ugu fiican kulamadii is reeb-reebka Euro 2020 kuwaas oo si Rasmi ah u dhamaaday bartamihii bisha haatan lagu jiro.

Waxa la soo ciyaaray 10 kulan oo is reeb-reeb ah kuwaas oo la ciyaaray muddo dhawr bilood ah iyada oo ay xiddigaha ka qayb galay soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.

Xulalka Holland Iyo England ayaa shaxda Min laba xiddig ku leh halka xulalka Portugal, Turkey, Israel, Iceland Iyo Ukrine ku leeyihiin min hal xiddig.

Shaxda ayaa la yaab noqotay marka loo eego in wax xiddig ah laga soo dari waayay xulka qaranka Italy oo aan wax guuldaro ah la kulmin xitaa aan bar-baro galin 10-kii kulan ee la ciyaaray tartanka.

Sidoo kale waxa shaxda ka maqan kabtanka Portugal ee Cristiano Ronaldo kaas oo laftiisu qaab ciyaareed heer sare ah soo bandhigay.

Image