Uhuro Kenyata oo isku shaandheyay Golihiisa wasiirada

1515

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada maalmo kadib markii ay soo baxeen musuqmaasuq baahsan oo ka jira dalka Kenya.

Inta badan isku shaandheyntan ayaa waxaa saameyn ay ku yeelatay Wasiiradii ka soo jeeday gobolka Waqooyi Bari Kenya ee ay Soomaalidu degto.

Wasiirkii Waxbarashada Aamino Maxamed ayaa loo bedelay wasiirka ciyaaraha halka xilkii laga qaaday Wasiirkii Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Faadumo Xirsi.

Madaxii Xafiiska Imtixaanaadka Kenya George Magoha ayaa loo dhiibay xilka Wasiirka Waxbarashada.

Sidoo kale waxaa loo magacaabay Mr. Ali Noor Ismail, Wasiirka Iskaashiga, halka Dr. Ibrahim M. Mohamed laga dhigey Wasiirka Deegaanka.

Madaxweynaha Kenya ayaa ku tilmaamay isku shaandheyntan inay tahay sidii isbedel loogu sameyn lahaa waxqabadka dowlada Kenya ay u heyso shacabkeed.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN