UK oo Raisul Wasaare cusub yeelatay +SAWIRRO

27

Xisbiga Shaqaalaha ee UK, ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday khamiistii taas oo uu helay codadka ugu badan ee barlamaanka aqalka hoose oo ka kooban 650 kursi.

Sir Keir Starmer ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee UK, ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyay guul weyn.

Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Labour afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo.

Xisbiga Labour-ku waxa uu xukunka ka maqnaa 14 sano, hadda waxaa uu helay 370 kursi taas oo ka dhigaysa inuu helay aqlabiyada baarlamaanka.

Doorashada Baarlamaanka oo waqtigeeda laga soo hormariyay ayaa shalay ka dhacday UK, iyadoo waqti horaba loo saadaalinayey xisbiga mucaaraadka ah ee Shaqaalaha inuu guul weyn ka gaarayo doorashada, kaddib markii xisbiga talada haya uu qirtay guuldarro ka hor inta aananba la aadin goobaha codbixinta, iyaga oo ka digay in xisbiga Shaqaalaha uu ku guuleysan doono kuraasti ugu badneyd ee baarlamaanka markii ugu horreysay taariikhda Ingiriiska.