Urur Gobolleedka IGAD oo shir uga furmaya Jabuuti

1444

Maalinta berri ah ayaa lagu waddaa in dalka Jabuuti uu shir uga furmo madaxda Urur gobolleedka IGAD, kaasoo looga wada-hadali doono arrimo la xiriira xaaladihii ugu danbeeyay ee gobolka.

Shirka ayaa siweyn diirrada loogu saari doona xaalada gobolka Tigrayga oo ay ku dagaalameen ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo Jabhda TPLF iyo waliba khilaafka labada dal Soomaaliya iyo Kenya oo labaduba ashtako arintaa la xiriirta u gudbiyay Urur gobolleedka IGAD.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in uu u duulo dalka Jabuuti isaga oo halkaa uga qeybgali doona shirka IGAD,

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya isku afgarteen shir degdeg ah oo looga hadlayo dhibaatada ka jirta Tigray.

Soomaliya iyo Kenya ayaa dhawaan sheegay in Urur gobolleedka IGAD u gudbiyeen dacwad ka dhan ah khilaafka dhinaca Diblomaasiyada ah ee soo kala dhax-galay iyadoo midba kan kale ku eedeeyay xadgudub.