Ururada Siyaasada Somaliland oo diiday go’aankii kasoo baxay Guddida dhex dhexaadinta

194

6 kamid ah tobbanka urur siyaasadeed ee dhawaan la aasaasay, ayaa diiday go’aankii khilaafka doorashooyinka Somaliland ay kasoo saareen hoggaanka beesha Habar-jeclo.

 

Go’aankan ay ururada qaar diideen ayay beeshu ku dalbatay in la is raaciyo doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada, isla markaana labada doorashaba la qabto 13, November, 2024.

“Go’aankaa anagu waxa aanu ka aaminsanahay urur ahaan, sharciyada ayaanu ka taaganahay, distoorka iyo shuruucda ka fircanta waxay ka qabaan ayaanu ka qabnaa” Hoggaamiyaha Ururka Horseed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal), ayaa sida warbaahinta u sheegay.

Hadaba ururada kala ah Rajo, Talo-wadaag, Waabari iyo Hilaac ayaa shaki galiyay midnimada ururada, iyaga oo qaarkoodna ay taageereen go’aanka hoggaanka beesha, qaarna ay sheegeen in ay ka tashanayaan.

Guddida Beesha Habar-jeclo ayaa la sheegay in ay kalsooni ka haysteen dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka, sida saddexda xisbi iyo ururada, hadaba waxa laga war sugaya in dhinacyada kale ay aqbali doonaan go’aanka guddida.