Mucaaradka oo war kale ka soo saaray Doorashada Dowladu ku dhawaaqday.

10

 

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid qorshaha doorashooyinka Soomaaliya, isaga oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu wado go’aanno hal dhinac ah oo halis gelin kara midnimada dalka, nidaamka federaalka iyo dowladnimada.

War-saxaafadeed uu soo saaray Golaha ayaa lagu diiday jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo tan Madaxtooyada, kaas oo Goluhu sheegay in lagu go’aamiyay rabitaanka Xasan Sheekh, iyadoo aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Si looga gudbo ismari-waaga taagan, Golaha Mustaqbalka ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada-hadallada dhex-dhexaadinta, lana gaaro heshiis ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda, kaas oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka. Goluhu wuxuu adkeeyay in doorashooyinka lagu saleeyo wadatashi iyo is-afgarad siyaasadeed.

Goluhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay xilligan wajahayso caqabado isbiirsaday oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, fatahaadaha la xiriira El Niño, abaaraha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo loollanka sii xoogeysanaya ee gobolka. Sida uu sheegay, xaaladahaasi waxay sii xoojinayaan baahida loo qabo hoggaan mideysan iyo iskaashi siyaasadeed.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka ayaa ka digay in khilaafka siyaasadeed ee taagan uu wiiqi karo dadaallada lagu dhisayo dowladnimada, isla markaana uu dhaawici karo wadajirka bulshada, iyadoo uu ku baaqay in laga fogaado tallaabo kasta oo sii kala fogeyn karta dhinacyada siyaasadda.

Inkasta oo uu caddeeyay inuu diyaar u yahay wada-hadal dhab ah oo lagu gaaro hannaan doorasho iyo jadwal macquul ah, haddana Goluhu wuxuu sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin kale oo dastuuri ah iyo kuwo siyaasadeed haddii Xasan Sheekh uu ku adkaysto go’aannada uu ku tilmaamay kuwo hal dhinac ah.

Goluhu wuxuu sidoo kale sheegay in mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha go’aannadaas ay saaran tahay madaxweynaha iyo cid kasta oo taageerta.