Qeybtii labaad ee kuraasta taala Baledweyne oo lashaaciyay

855

Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay 11 kursi oo ah qeybtii labaad ee kuraasta taala magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay iney qabanayaan maalmaha soo socda doorashada 11 kudsi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii guddiga doorashada Hirshabeelle ay Baledweyne ku qabteen doorashada lix kursi oo uu ka mid yahay kursiga HOP 086 oo khilaaf culus ka dhex abuuray guddiyada doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, kaasoo ay hakiyeen guddiga doorashada heer Fedaraal markii dambana ay fasaxeen guddiga Xalinta khilaafaadka doorashada.

Berito oo Axad ah ayaa lagu wadaa in Baledweyne ay ka dhacdo doorashada shan kursi, waxaana Maamulka Hirshabeelle uu noqday maamulkii labaad ee si dardar leh ku wada doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa deegaan doorashada labaad.

Hoos ka akhriso liiska kuraasta la shaaciyay.