Van Dijk Oo Ku Jees Jeesay Ronaldo Ka Dib Markii CR7 Uu Ka Maqnaday Xafladda Lagu Bixinayo Abaal Marinta Kubadda Dahabka

1676

Daafaca Liverpool ee Van Dijk ayaa ku jees jeeay xiddiga Juventus ee Ronaldo ka dib markii uu ka maqnaaday laacibkaas xafladda haatan socota ee lagu bixinayo abaal marinta kubadda dahabka

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ronaldo uu go`aansaday in uusan xaadirin xafladda ka dib markii uu ka war helay in uusan ku jirin sedexda xiddig ee ugu sareeya ee u sharaxan abaal marintaas

Mar wax laga weydiiyay Van Dijk maqnaashaha Ronaldo waliba la yiri ” Ronaldo ma joogo miyuu jiraa xiddig aad uga sareyso qaadista abala marintaas”

Waxa uu ku jawaabay ” Ronaldo miyuu ahaa tartame”.