Venezuela Oo Bar-bar Dhac Bilaa Goolal Ah Ku Qabatay Brazil +SAWIRRO

1853

Brazil iyo Venezuela ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli qeybtaas hore Brazil ay aheyd dhanka halista ahaa waxaana kaliya ka maqnaa nasiibka si fursadaha ay helayeen ay ugu badalaan goolal .

Brazil ayaa ciyaareysay kubad weerar ah waxa ayna kubadda mar waliba gaarsiinayeen shabaqa Venezuela kuwaasi oo si ka bad badis ah mararka qaar dib ugu guranayay waxaana daqiiqaddii 16-aad Brazil uu goolhayaha Venezuela ka bad baadiyay fursad gool xaqiiq aheyd.

Venezuela ayaa qeybihii dambe ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celiska ah dhowr jeerna waa ay gaareen goosha Brazil xilli qaranka Samba ay ka maqneyd maamulka maskaxda marka ay kubadda gaarsiiyaan shabaqa Venezuela .

Venezuela ayaan ka faa`ideysan daafaca Brazil oo soo weerar tagayay waxa ayna heerka kubad haysashada Brazil ee qeybtaas hore gaareysay %75 waxaana xusid mudan in kulankaan ay ka wacnaayeen midkoodii koowaad .

Shaxda Brazil ee kulankaas ku soo galeen ayaa aheyd sida tan : Alisson; Alves, Marquinhos, Silva, Luis; Arthur, Casemiro; Richarlison, Coutinho, Neres; Firmino.

Soo Laabashadii waxa ay Brazil horay u soo giliyeen Gabriel Jesus oo loo badalay Richarlison , waxa ayna biloowgii qeybta hore kubadda cagta ugu jirtay Brazil oo qaab deg degsiimo leh u ciyaareysay .

Venezuela oo daafac ahaan foojignaa ayaa dhankeeda ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celiska ah oo mararka qaar halis ahaa balse guudahaan mar waliba Brazil ayaa aad ugu fara dhuubneyd in ay shabaqa Venezuela soo taabtaan .

Brazil oo daalisay daafaca Venezuela ayaa heshay gool uu dhaliyay JESUS balse ugu dambeyn ka dib markii VAR lagu laabtay garsooraha waa uu diiday waxaana offside ku jiray Ferminho waxa ayn arintaas dhacday daqiiqaddii 62-aad xili goolna uu dhashay daqiiqadii 60-aad.

Dhamaadkii Brazil waxa ay laba jibaareen weerarkooda iyaga ayaana kubadda dhan waliba ka maamulayay halka Venezuela ku tiirsanayeen kubaddaha rogaal celis ah waxaana daafaca Venezuela dhibayay Jesus .

Dhamaadkii heerka kubad haysashada Brazil waxa ay gaareysay %72 mana jirrin meel ay kubadda marsiiyaan si waliba oo ay weerar tagaan illaa ugu dambeyn ay heleen gool daqiiqaddii 87-aad waxaana saxiixay Countinho balse mar kale VAR ayaa la eegay waana laga diiday.