Waa Maxay Sababta Uu Jurgen Klopp U Raali Galiyay Xheran Shaqiri Kadib Guushii Everton?

1873

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa raadli galin u fidiyay xiddiga kooxdiisa ee Xharan Shaqiri kadib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu soo bandhgay kulankii Everton ee premier League.

Liverpool ayaa guul weyn oo 5/2 ah ka gaadhay kooxda Everton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay Anfield.

Xherdan Shaqiri ayaa ku bilowday kulankii ugu horeeyay ee premier League xilli ciyaareedkan waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay gool.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Shaqiri ma ciyaarin muddo 7 bilood ah? Runtii? waan ka xumahay run ahaantii Shaqiri, waxa dhawr jeer soo gaadhay dhaawacyo, waxa uu dhalin karay 2 gool sidii Origi waxana aan ku odhan karaa wixii aan ku idhi Origi”.

“Waxa uu haatan ku jiraa xaalad fiican waxana muhiim ahayd in uu tababar la qaato ka hor intii uuna dhaawacu soo gaadhin, waxa ku soo laab-laabtay dhaawac kuraanta ah waxana adkayd in la ciyaarsiiyo dhawr todobaad ka hor”.

“Laakiin haatan shaqiri waxa uu ku jiraa xalad fiican waxana uu ciyaari doonaa kulamo badna”.