Wafdi Ka Socda Jabuuti Oo Hobyo tagay

1642

Wafdi ka socda dawladda aanu walaalanaha nahay ee jabuuti ayaa kormeer ku tagay shalay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, iyagoo qiimaynaya gacanta ay ka gaysan karaan dhismaha Dekadda Hobyo oo dawlad goboleedka Galmudug uu qorshaynayo in dhawaan la bilaabo.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo wafdiga Hobyo ku soo dhaweeyey ayaa uga mahadceliyey sida Jabuuti ay mar walba u garab taagantahay Soomaaliya iyo sida ay uga go’antahay inay Galmudug ku garab siiyaan dhismaha Dekadda Hobyo, waxaana uu balan qaaday inay xoojinayaan amniga si mashaariicda horumarineed ee la filayo ay ugu qabsoomaan si nabadgalyo leh.

Lataliye sare Maxamed Aadan Waabari oo ka socday maamulka Dekadaha iyo aagga canshuuraha ka caagan ee Jabuuti ayaa sheegay in ay Hobyo u yimaadeen qiimaynta qaabka ugu sahlan ee Dekad looga hirgalin karo, ka tala bixinta dhismaha Dekadda iyo inay kaalin ka gaystaan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa todobaadkii hore socdaal rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti, isagoo la kulmay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxda furdooyinka, waxaana safarka wafdigan uu ka mid yahay natiijooyinkii ka dhashay kulamadaasi.

 

HALKAN KADAAWO VIDEOGA