Wafdi Ka Socday Imaaraadka Oo Muqdisho yimid +SAWIRRO

579

Waxaa goor dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidday Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shakhbout Bin Nahyaan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wasiir-dowle Shakhbout Bin Nahyaan ayaa waxaa Garoonka uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa Muqdisho u yimid si uu uga qeyb galo caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.

Saacado kadib ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madax kala duwan, kuwaasi oo ka qeyb galaya Munaasabadda Caleema-saaka.

Munaasabadd Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta oo khamiis ah ka dhaceysa Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyay  Caasimadda oo la saaray bandow la xiriira Munaasabadda dhaceysa.