Wakhtiga, Kulanka, Goobta & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Lagu Furi Doono Euro 2020

1632

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa si Rasmi ah u shaaciyay kulanka ugu horeeya, wakhtiga la qaban doono iyo waliba xulalka isaga hor iman doona furitaanka tartanka Euro 2020 ee sanadka dambe.

Kulanka ugu horeeya ee Euro 2020 ayuu dhex mari doonaa xulalka Italy iyo Turkey oo ku wada jira Group-ka A waxana uu dhici doonaa 12 bisha June ee sanadka 2020.

Kulanka ayaa ka dhici doona dalka Italy gaar ahaan caasimada Rome garoonka ee Hoyga u ah ama ay ku ciyaarto kooxda Roma ee Stadio Olimpico.

Waxa xusid mudan in tartanka lagu qaban doono 12 dal oo ka mid ah Yurub kuwaas oo lagu ciyaari doono kulamada kala duwan ee tartanka.