Wakhtiga Uu Lionel Messi Kooxdiisa Cusub aadi Doono Oo La Ogaaday

1818

Wargayska AS ayaa qarxiyay lama filaan kuna saabsan mustaqbalka xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa go’aamiyay in uu iska sii joogo kooxda Barcelona xilli ciyaareedka dambe ee soo socda.

Messi ayaa go’aankaas qaatay kadib markii uu 2 todobaad ka hor go’aansaday in uu isaga tago kooxda Barcelona waliba warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka kooxdiisa.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu Lionel Messi kooxdiisa cusub dooran doono suuqa January ee soo socda kuna beegan bilowga sanadka cusub ee 2020/2021.

Lionel Messi ayaa suuqa January si xor ah heshiis ula gaadhi kara kooxda uu doonayo si uu qaab xor ah ugu biiro dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.