War cusub oo laga soo saaray dilkii Baydhabo

1842

Guddi is xilqaamay oo u ololeeya cadaalad u helista dibadbaxaayaashii ku geriyooday dibad baxyadii Baydhaba, kana kooban Siyaasiyiin, Suxufiyiin, Waxgarad, Ganacsato, iyo Bulshada Rayidka ayaa waxa ay warqad cabasho ah u direen Wakiilada wadamada reer Galbeedka ee Soomaaliya u joogo, Xafiiska UNSOM, iyo Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

Waxaana warqadooda ay u qorneyd sidatan:

“Anaga oo ah guddi is xilqaamay oo caadalad u raadinaya dibadbaxayaashii ku geeriyooday Baydhabo, waxaan warqadaan idiinkugu soo qornay in aan idiin muujino sida aan kaga xunahay warqada kasoo baxday Xafiiska maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya taariikhda markay aheyd 5’ta Bishaan Janaayo taasi oo lagu magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baara geerida dibaxbayaashii ku geeriyooday Baydhaba, kuwaasi oo ku geeriyooday gacanta Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Booliska Koonfur Galbeed, waa lagama maarmaan in cadaalada lasoo taago kuwii dilay dibadbaxaayaashii Baydhabo intii u dhaxeysay 13 ilaa 15 bishii December ee sanadkii tagay, waxaa sidoo la dhaawacay dad badan oo banaanbaxayaashaasi kamid ahaa iyadoo sidoo kale la xiray dad kale oo aanan waxba galabsan”.

Waxa kale oo ay warkooda kusii dareyn “Gudigaasi loo magacaabay xaqiiqa raadinta waxaa hubaal ah in ay yihiin kuwii ka dambeeyay ama wax ka ogaa dhacdadaasi foosha xumeyd ee lagu xasuuqay dibadbaxayaashi lagu dilay Baydhaba,”.

“Wadamada Deeqda siiya Soomaaliya waxaan u sheegaynaa in deeqdooda loo adeegsado dilka iyo dhaawicida dad aanan waxba galabsan”

Waxa ayna ugu dambeyan deeq bixiyaayasha Soomaaliya taageera ka codsadeyn in ” Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wax ka weydiiyaan sida ay ku dhacday dhacdadaasi foosha xun”.