Warbixin:- 3-dii October Sanadkii 1993-kii Maalin Aan Ka Baxayn Xusuusta Maraykanka.

1530

Maanta oo kale 3-dii October sanadkii 1993-dii Casar gaabadkiii xilliga Muqdisho, waxaa ka dhacay Dagaal aad u Qadhaadh oo u dhaxeeyay Taageerayaashii Isbahaysiga SNA ee uu Hogaaminnaayay Marxuum Jeneraal Maxamed Faarax Xasan Caydiid oo taageera ka Helayay bulshada qaybaheeda kala duwan eek u sugnaa gobolka Banaadir 74% iyo Ciiddammada Mareykanka ee Hoggaaminayay howlgalkii la magac baxay UNISOM.
Dagaalka ayaa bilaawday Markii Ciiddammada Maraykanka oo Wata Darsin Diyaaradaha Dagaalka ahi ay soo Weerareen Afaafka hore ee dhismaha haatan ay deggan Tahay shirkadii Qaran Ex.Prees iyo shirkada Olompic kadib Markii Ciidamada Huwantu gaar ahaan Maraykanku ay ka War Heleen in Jeneraal Caydiid uu halkaas joogo, shirna uu kula jiro.

Taageerayaashiisa iyo Beesha uu ka dhashay Caydiid, waxaana halkaas ka dhacay Dagaaal socday maalin iyo habeen,.


Jen. Maxamed Faarax Ceydiid oo hoggaaminayay Isbaheysiga SNA, Xilligaasoo Qaramada Midoobey ay Dul dhigtay lacag Malaayiin Dolar ah, ayaa waxay Taageerayaashiisa oo Xilligaas ahaa awoodda koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya ay wacad ku Mareen in Hoggaamiyahooda aan la qaban Karin oo ay ka dagaalamayaan in uu u gacan galo Dowlada Maraykanka oo Xilligaas ahayd Dowlad Dano badan ka lahayd Soomaaliya.
Weerarkii ka dhacay Muqdisho kale 3-dii October Sanadkii 1993-dii ayaa waxaa ku dhintay ilaa 20- askari oo Maraykan ah, waxaana dadka Soomaaliyeed ee ku Dhintay Dagaalkaas lagu Qiyaasaa in ay ahaayeen dhimashada illaa kun, waxaana uu Caalamku Xilligaas isha ku hayay Soomaaliya oo ay ka Jireen abaaro xun, waxaana dowladda gaar ahaan Ciidammadda Maraykanka ay ahaayeen kuwa ay ka go’an tahay in ay gacanta ku dhigaan Jeneraal Caydiid oo Xiligaas ahaa Hogaamiahga Geeska Afrika.