Warbixin:- Idaacadda Bbc Oo Xil muhiim ah Laga Siiyay Puntland.

1881

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne maanta ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland.

Bayaan lagu caddeynayay wareegtada madaxweynaha ayaa lagu yiri:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda.

Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay

XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen.

Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland.

Wuxuu Xeeriyey.

Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran.

1. Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq

2. Sahra Jaamac Saalax

3. Cali Jaamac Faarax

4. Cabdullaahi faarax Mire

5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle

6. Guulleed Saalax Bare

7. Jaamac Xirsi Faarax

8. Xafso Salaad Maxamed

9. Cadirisaaq Axmed Siciid

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.

.
Image captionWeriye Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq.

Magaca koowaad ee xubnaha guddiga waa wariyihii BBC-da ee caanka ahaa, Soomaaliduna ay sida weyn u taqaannay.

Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa horaantii Sanadkan ka tagay shaqada BBC-da, ka dib markii uu lasoo shaqeynayay ku dhawaad 30 sano.

Guddiga cusub ayaa la filayaa inay dhawaan la kulmaan madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo markaas ka dibna ansixin ka sugaya golaha baarlamaanka ee maamul goboleedka Puntland.

Puntland ayaa doorashadii madaxweynaha lagu qabtay horaantii bishii Janaayo ee sanadkan