WARBIXIN: Isco, Shaqiri, Giroud & Xiddigaha Isku Dayi Doona In Ay Kooxohooda Ka Tagaan Suuqa January & Euro 2020 Oo Sabab U Ah

1752

Qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan ayay inaga xigaan todobaadyado iyada oo inta badan qaybta dambe ee xilli ciyaareedku uu bilowdo bisha January ee bilowga sanadka cusub.

Janaury ayaa ah marka uu furmo suuqa kala iibsiga bartmaha xilli ciyaareedku kaas oo ay kooxo badan u galaan sidii ay u sixi lahaayeen wixii ka khaldamay qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan.

Sanadkan waxa uu suuqa January ama qaybta dambe ee xilli ciyaareedku muhiimad weyn u leedahay xiddigo badan oo reer yurub ah kuwaas oo wax walba u samayn doona sidii ay ugu biiri lahaayeen koox cusub oo ay joogto ugu ciyaaraan.

Xagaaga dambe waxa bilaabmi doona tartanka Euro 2020 kaas oo ay ka qayb gali doonaan xulal badan oo yurub ah waliba kuwooda ugu waaweyn qaarada yurub.

Sidaas darteed xiddig walba waxa uu doonayaa in uu xulka qarankiisa kala qayb galo tartanka Euro 2020 waxana uu isku dayi doonaa in uu isaga tago kooxdiisa haatan hadii uuna joogto ugu ciyaarin si uu u raadsado koox uu u ciyaaro qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan si uu kor ugu qaado fursadiisa ka qayb qaadashada tartanka Euro 2020.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha suuqa January wax walba u samayn doona sidii ay uga tagi lahaayeen kooxdooda haatan ee ayna joogtada ugu ciyaarin si ay u raadsadaan koox ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka si ay ugu dagaalamaan ka qayb galkooda Euro 2020.

1.Isco:

Xiddiga reer Spian ayaa ku dhibaatoonaya kooxda Real Madrid isaga oo aan joogto ugu ciyaarin kooxda Zidane uu hogaamiyo waxana ay taas keentay in laga reebo xulka qarankiisa Kulamadii ugu dambeeyay waxana uu shaki la,aan raadsan doonaa koox kale oo uu joogto ugu ciyaaro.

2.Xherdan Shaqiri:

Xiddiga reer Swiss ayaa dhankiisa ku dhibaatoonaya kooxda Liveroool isaga oo aan joogto ugu ciyaarin Liveroool xilli ciyaareedkan inkasta oo uu dhaawacyo la dhibaatooday laakiin xiddiga ayaa suuqa Jnauary isku dayi doona in uu ka ago Liverpool si uu xagaaga xulka qarankiisa ugala qayb galo tartanka Euro 2020.

3.Nemanja Matic:

Inkasta oo uuna xulka qaranka Serbia si toos ah ugu soo bixin tartanka mar kalena u gali doono is reeb-reeb kale hadana xulka Matic ayaa la filayaa in uu kulamada kala baxa ugu soo boxo tartanka Euro 2020 sidaas darteed waxa uu isku dayi doonaan in uu isaga tago Man United iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Inter Milan.

4.Leroy Sane:

Xiddiga garabka uga ciyaara Man City ayaa garoomada dhaawac uga maqan laakiin waxa uu ilaa xagaagii doonayay in uu isaga tago kooxda Man City iyada oo lala xidhiidhinayay kooxda Bayern Munich.

5.Michy Batshuayi:

Xiddiga reer Belguim ayaa kayd u ah kooxda chelsea xilli ciyaareedkan waxana ay arintaas sabab u noqotay in laga reebo xulka qaranka Belguim inkasta oo uu ka qayb ahaa xulkii ka qayb qaatay koobkii adduunka waxana uu Janaury isku dayi doonaa in uu isaga tago Blues si uu u raadsado koox uu joogto ugu ciyaaro qaybta dambe ee xilli ciyaareedka si uu ugu soo laabto xulka qarankiisa tartanka Euro 2020.

6.Olivier Giroud:

Waa xiddig haatanba muhiim ka ah xulka qaranka France isaga oo si joogto ah loogu soo daro Liiska xulka qaranka laakiin xiddiga reer France ayaan ku bilaaban kulamada xulkiisa isaga oo inta badan kaydka ka soo kacay kulamadii ugu dambeeyay taas ayay sabab u tahay kaydka uu todobaad walba u fadhiyo kooxda chelsea waxana uu haatanba qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Chelsea si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaari.