Kooxaha Goolasha Ugu Badan Dhaliyay Horyaalka Premier League Ilaa Haatan

1493

Horyaalka premier League ayaa la ciyaaray todobaadkiisii 10-aad waxana jira kooxo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay iyo kuwo dhibaatoonaya.

Dhanka goolasha kooxaha premier Leageue ee 20-ka ah ayaa dhamaantood goolal dhaliyay inkasta oo ay ku kala badan yihiin koolasha la dhaliyay ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Kooxaha chelsea iyo Liverpool ayaa ah kooxaha ilaa haatan goolasha ugu badan ka dhaliyay premier League xilli ciyaareedkan kadib todobaadkii 10-aad.

Labada kooxood ayaa wada dhaliyay min 22 gool laakiin kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Tottenham ayaan waxba ka dambayn iyaga oo dhaliyay 21 gool.

Kooxda Aston Villa ayaa ka yaabsatay kooxaha waaweyn ee kale ee premier League iyaga oo dhaliyay 19 gool kuna jira kaalinta 3-aad iyaga oo la mid ah kooxaha Everton & Southampton.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Kooxaha goolasha ugu badan dhaliyay ilaa haatan horyaalka premier League:

  1. Chelsea: 22
  2. Liverpool: 22
  3. Tottenham: 21
  4. Aston Villa: 19
  5. Everton: 18
  6. Southampton: 19
  7. Leicester City: 18
  8. Man United; 16
  9. Leeds United: 15
  10. Man City: 15
  11. West Ham: 15
  12. Brighton: 14
  13. Crystal Palace: 12
  14. Newcastle United: 12
  15. Wolves: 11
  16. Arsenal: 10
  17. Fulham: 9
  18. West Bromwich Albion: 7
  19. Burnley: 4
  20. Sheffield United: 4