WARBIXIN: Shan Sabab Oo Man United Ku Dhiiri Galinaysa Saxiixa Cristiano Ronaldo

1771

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayaa ku soo laabashada kooxdiisii hore ee Man United.

Markan ayaan ahayn markii ugu horaysay ee Cristiano Ronaldo lala xidhiidhinayo kooxda Man United laakiin waxa jirtay marar badan oo lala xidhiidhinayay ku soo laabashada Old Trafford.

Cristiano Ronaldo ayaa horay ugu soo ciyaaray Old Trafford isaga oo waliba la gaadhay guulo waaweyn ka hor inta uuna ka tagin kooxda sanadkii 2009.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay jirto 5 sababood oo Man United ku dhiiri galinaysa in ay dib u soo ceshato xiddigeedii hore.

1.Dhibaatada Maurizio Sarri:

Kadib badalkii labadii kulan ee ugu dambeeyay waxa cadaatay dhibaato ka dhex jirta xiddiga iyo tababaraha Maurizio Sarri iyada oo uu xiddigu isaga tagay garoonka ciyaarta oo aan dhamaan kulankii Ac Milan.

Kadib dhacdadaas tabaabre Maurizio Sarri ayaa sheegay in uu dhaawacan yahay xiddigu laakiin Ronaldo ayaa garoonka dhexdiisa ku beeniyay kadib markii uu xulka qarankiisa u ciyaaray labadii kulan ee is reeb-reebka Euro 2020.

Hadii uuna xaalku hagaagin wakhtiga soo socda waxa ay arintaas keeni kartaa in uu Ronaldo isaga caraabo kooxda.

2.Xidhiidhkii Uu La leeyahay Sir Alex Ferguson:

Tababarihii hore ee kooxda Man United Sir Alex Ferguson ayaa Ronaldo u ah Aabaha kubada cagta isaga oo xiddiga ka dhigay ama gaadhsiiyay heer aad u sareeya waxana uu la leeyahay xidhiidh fiican.

Inkasta oo uuna Ferguson haatan tababare u ahayn Man United hadana waxa uu ka mid yahay madaxda kooxda waxana uu Ronaldo ku qancin karaa in uu ku soo laabto Old Trafford.

3.Jacaylka Taageerayaasha Man United:

Taageerayaasha Man United ayaa jacayl aad u weyn u qaba Cristiano Ronaldo iyaga oo aan wali iloobin jacaylkii xiddiga mar walbana ku heesa magaciisa inkasta oo uu ka tagay kooxda.

4.Qiimihiisa Oo Hoose U Dhacay:

Kooxda Juventus aya 115 milyan oo euro kula soo wareegtay xiddiga markii ay ka keenaysay Real Madrid laakiin xiddiga 34 jirka ah ayuu haatan hoos u dhacay qiimihiisu sabab la xidhiidha da,diisa.

Kooxda Man United ayaa haatan ugu yaraan ku heli karta xiddiga reer Portugal lacag u dhexaysay 70 ilaa 50 milyan oo euro.

5.In Uu Doonayo In Uu Naftiisa U Muujiyo In Uu Wali Ka Ciyaari Karo Horyaalka Ugu Fiican Adduunka:

Kadib ku soo laabshadii Jose Mourinho ee premier League kadib markii uu tababare u noqday Tottenham Imaatinka ayaa Isna doonaya in uu muujiyo in uu ka ciyaari karo horyaalka ugu fiican adduunka.

Sii Akhri: Talaabo Cajiib Ah Oo Ay Lamaanuhu Muddo Dheer Jacaylka Ku Sii Wadaagi Karaan Oo La Helay