WARBIXIN:Neymar, Suarez, Ramos, Griezmann & Xiddigaha Laga Dhexwaayay Ama Hoos Uga Dhacay Kaalmihii Hore Ee Ballon d’Or-ka Sanadkii Hore.

1909

Hal Sano ka hor Luka Modric ayaa ku guulaystay abaalmarintaa Ballon d’Or 2018.

Xiddiga reer Croatia ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Cristiano Ronaldo & Antoine Griezmann kuwaas oo kala galay kaalmaha 2-aad iyo 3-aad.

Isniintii shalay Lionel Messi ayaa markii 6-aad ku guulaystay abaalmarinta laakiin 30-ka xiddig ee u tartamayay abaalmarinta ayaa si aad ah uga duwanaa sanadkii hore.

Neymar ayaa gabi ahaan ka maqnaa, halka xiddigaha Luis Suarez, Gareth Bale, Sergio Ramos, Edinson Cavani, Harry Kane & Jan Oblak ay sidoo kale ka maqnaayeen Liiska.

Xiddiga ku jiray ayaa ah Griezmann laakiin kaas ayaa dib ugu dhaadhacay kaalinta 18-aad halka ay sidoo kale xiddigaha den Hazard, Karim Benzema, Cristiano Ronaldo, Kylian Mbappe & Kevin De Bruyne sidoo kale hoos uga dheceen kaalmihii sanadkii hore.

Xiddigaha kor u soo kacay ayuu hogaaminayaa xiddiga Lionel Messi kaas oo 4 boos kor u soo kacay kuna dhamaystay kaalinta 1-aad.

Xiddigaha Sadio Mane, Alisson Becker, Roberto Firmino & Hugo Lloris ayaa sidoo kale kor uga soo kacay boosaskii sanadkii hore.

Waxa Liiska 30-ka xiddig ku jira 17 xiddig oo cusub kwuaas oo kala matalayay kooxaha Ajax, Liverpool Iyo Man City.

Virgil Van Dijk ayaa ku dhamaystay kaalinta 2-aad halka Alisson iyo Mane kala galeen 19-aad iyo 18-aad.

Arinta ugu xun ayaa ahayd in markii ugu horaysay laga dhex waayay xiddig Spain ah 30-ka xiddig ee ugu sareeya abaalmarinta.