WARBIXIN:Saddex Saxiix Oo Badbaadin Kara Xilli Ciyaareedka Arsenal

1984

Kadib 12 kulan oo laga ciyaaray horyaalka premier League kooxda Arsenal ayaa ku jirta xaalad adag iyaga oo ku jira kaalinta 6-aad ee kala saraynta horyaalka iyaga oo khatar ugu jira in ay mar kale seegaan champions League xilli ciyaareedka dambe.

Gunners ayaa kaliya gaadhay 4 guulood oo horyaalka premier League ah iyaga oo la kulmay 5 guuldaro sidoo kale dhaliyay 16 gool lagana dhaliyay 16 gool iyaga oo 8 dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta 4-aad ee Man City.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 3 saxiix oo badbaadin kara xilli ciyaareedka kooxda Arsenal una dhaqaaqi karto Arsenal.

1.Nathan Aké (Bournemouth)

Xiddiga u ciyaarayay kooxda Bournemouth ilaa 2016 isaga oo amaah ugu joogay kooxda kana maqnaa Chelsea iyaga oo si toos ah ula wareegay xiddiga 22 milyana ka bixiyay.

Xiddiga ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ka mid ah daafacyada ugu fiican premier League tan ilaa markii uu ku biiray kooxda Bournemouth waxana uu si weyn u caawin doonaa daafaca dhibaataysan ee kooxda Arsenal.

2.Emre Can (Juventus):

Xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ayaa khibrad fiican u leh horyaalka premier League marka loo eego in uu muddo 4 sano ah u ciyaarayay kooxda Liverpool, Can ayaan haatan u ciyaarin kooxda Juventus isaga oo loo sheegay in uu isaga tagi karo kooxda Arsenal.

Waxana uu xiddigan doonayaa in uu ku soo laabto Premier League isaga oo waliba lagu heli karo lacag aad u jaban ama heshiis amaah ah xilli ay Juventus doonayso in ay iska dirto xiddiga.

3.Daniele Rugani (Juventus).

Xiddiga reer Italy ayaa ah xiddig u ciyaara kooxda Juventus waana mid lala xidhiidhinayay kooxda Arsenal xagaagii hore waana xiddig dhankiisa doonaya in uu isaga tago juventus sabab la xidhiidha in uuna boos joogto ah k haysan xilli ciyaareedkan kooxda.

Marka loo eego dhibaatada ay Arsenal ka qabto dhanka daafaca Daniele Rugani ayaa si weyn u caawin kara kooxda Arsenal.