Wariye Gurbiye oo lasiidaayay

1822

Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa goordhoweyd dib u helay xoriyadiisa muddo Shan cisho ah oo uu ku xirnaa magaalada Muqdisho, kadib markii ay saaka Madaxtooyada Soomaaliya ay iska fogeysay inuu Madaxweyne Farmaajo u xiran yahay wariyahaasi.

Wariye Gurbiye oo Agaasime kuxigeen ka ah warbaahinta Goobjoog Media Group ayaa la xiray 14-kii April, maalin kadib markii uu bartiisa Facebook uu ku baahiyay in Madaxweyne Farmaajo uu qaatay Mashiinka neefta siiya sanbabada marka ay shaqada gabaan ee loo yaqaano ‘Ventilator’ oo hore loogu deeqay Isbitaal Martiini.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hore iskaga fogeysay in Gurbiye u xirnaa Farmaajo, xili ay Warbaahinta uu ka tirsanaa ay sheegtay inuu u xirnaa Madaxweyne Farmaajo, Midaasi oo shaki gelinaysa in Xeer ilaalintu ay si iskeed ah dacwad ugu soo oogtay Wariye Gurbiye.

Dhinaca kale, Wariye Maxamed Cabdiwahaab Abuujaa oo kamid ah Wariyeyaasha ka howl-gala Muqdisho ayaa isaguna xiran muddo ku siman 31-cisho, iyada oo la sheegayo inuu u xiran yahay dowladda xili uu baahiyay faallo la xiriirta dhaca ay ciidamada dowladdu ka geystaan magaalada Muqdisho.