Booliska Sacuudiga oo Fadeexad soo wajahday+VIDEO

290

Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegaya inay baaritaan ku sameynayaan muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada oo cadeynaya ciidamada ammaanka oo garaacaya gabar da’yar oo ku sugneyd xarun lagu hayo ilmaha agoonta ah.

Sidoo kale Muuqaalka ayaa muujinaya sarkaal ku jiidaya dhulka gabadha yar oo qaylinaysa isagoo tinteeda ku dheggan, askari kale ayaa isna laga arkayaa kaasoo suun gabadha ku garaacaya.

Ciidamada amaanka ayaa Gabdho kale eryanaya iyagoo ku garaacayo alwaax sida muuqaalka laga arki karo inkastoo sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen iyo waqtiga ay dhaceenba ilaa iyo hadda aan la caddeyn.

Qof dumar ah oo Twitter-ka isticmaasha ayaa sheegtay inay tafatirtay muuqaallada oo gabdhahan ay wadeen olole ka dhan ah musuq-maasuqa iyo caddaalad-darrada, kaddib markii ay xuquuqdooda ka dalbadeen xarunta agoonta oo loo diiday.

Kadib waxay soo bandhigtay sawiro muujinaya wax ay ku sheegtay nabaro gaaray gabdhaha weerarka loo gaystay waxayna intaa ay ku dartay in sarkaal sare uu u hanjabay hadii aan muuqaalada laga saarin baraha bulshada.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka iyo mucaaradka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin muuqaalkan ka dib markii uu soo baxay habeenimadii Talaadada, waxaana baraha bulshada aad u qabsaday muqaalkan.

Dowladda ayaa loogu baaqay inay tallaabo ka qaaddo kuwa muuqaalka kku jira ee dhibaatada b’an u gaysanaya gabadha yar, iyadoo sidoo kale arrintan ay sii xoojisay walaaca laga qabo tacadiyada haweenka loogu gaysto dalka Sacuudiga.