Wasaarada wax barashada oo joojisay lacago baad ah oo laga qaadi jiray macalimiinta

875

Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa go’aamo ka soo saartay cabashooyin kaga yimid hay’adaha Waxbarashada Gobolka Banaadir, iyada la baabi’iyay lacagaha uu Maamulka Gobolka ka qaado Iskuulada kuyaal Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa waxaa lagu sheegay in ay Wasaaradda soo gaartay cabashooyin badan oo kaga yimid  hoggaanka Midowga Dalladaha Waxbarashada Soomnaaliyeed, Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, Ururka macalimiinta, Ururada bulshada rayidka ah ee u dhaq-dhaqaaqa hormarinta adeegyada waxbarashada iyo Waalidiinta Soomaaliyeed, taaas oo ku aadan qarashaad xad-dhaaf ah oo Maamulka Gobolka Banaadir ku soo rogay ardayda, iskuulada iyo adeegyada asaasiga ah ee waxbarashada.

” Iyada oo la wada-ogsoon yahay duruufaha gaar ka ah ee ay la daalaadhacayeen iyo
culayska ay arrinkaani ku sii kordhisay, sidoo kalana ay Madaxwaynaha JFS iyo Ra’iisul- Wasaaraha Xukuumada JFS, oo ay soo gaartay qayla-dhaantaan culayska wayn leh, waliba si gaar ah lagu kali yeelay waalidiinta ay canuurtoodu wax ku bartaan iskuuladda ku yaala Gobolka Banaadir,

waxaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS
CAbdullahi Abukar Haji uu soo saaray qodabada soo socda.

1. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxaa uu baa’bi’iyay dhammaan qarashaadka ku xusan liiska Tariifada uu soo gudbiyay Agaasinka Waxabarashada G/Banaadir, uuna ansixiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duga Magaalada, taas oo ku lifaaqan warqadan.

2. Iyada oo la tix-raacayo xeerka madaxwaynaha JFS ee ku aadan ku takrifalka iyo musuq-
maasuqa dhulalka danta guud gaar ahaan goobaha waxbarashada, Wasaaradda
waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa ka mas’uul ah hantida ma guurtada ah ee
goobaha waxbarashada sida iskuulada, xanaanooyinka iyo xarumaha kala duwan ee
xafiisyada iyo wakaaladaha ee raacsan wasaradda, waxaana cidkasta ka reeban in ay ku
tasarufto, sida in la kireeyo anma u badalid adeegyo kale iyadoo aan ogolaansho looga
haysan wasaaradda.

Ugu danbayntii, waxaan aad uga xunahay culayskii iyo jahawareerkii ay abuurtay arrintaan
abashada laga soo gudbiyay, madaxda qarankana ku abuurtay walwalka, taas oo keentay in aan go aamadaan ka soo saarno, waxaana aad u rajaynayaa in aysan soo laaban mar danbe,
Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxaa ka go’an ilaalinta hab-sami
u socodka adeegyada waxbarasho dalka iyo honumarintooda, maadama waxbarashadu ka mid
tahay xuquuqaadka aasaasiga ah oo ay leeyahiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaan weli ka jawaabin go’aankaan kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.